Halkee ku dambeyn doonaa hardanka udhaxeeya Kenya iyo Alshabaab? [Maqaal].

Thursday January 16, 2020 - 18:54:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee ku dambeyn doonaa hardanka udhaxeeya Kenya iyo Alshabaab? [Maqaal].

    Wargeyska caanka ah ee The Washington Post ayaa 'Analysis' ama gorfeyn ku sameeyay maqaal uu ciwaan uga dhigay "Who are the Alshabab Militants plaguing Kenya" oo machaneedu noqonayo "Waa ayyo mintidiinta alshabaab ee loogu sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska caanka ah ee The Washington Post ayaa 'Analysis' ama gorfeyn ku sameeyay maqaal uu ciwaan uga dhigay "Who are the Alshabab Militants plaguing Kenya" oo machaneedu noqonayo "Waa ayyo mintidiinta alshabaab ee loogu salliday kenya?".

 



Warbixinta ayaa lagu sheegay in inkabadan illaa 150 weerar ka dhaceen Kenya intii ay ku guda jiray duullaanka ay kusoo qaadday dalka Soomaalida sida uu wargeysku sheegbay balse waxaa larumeysanyahay in tirada weerarada ah ee Kenya lagu qaaday ay intaas ka badanyihiin.

Haddaba inaguna waxa aynu isku deyi doonnaa in aan ka hadalno joogitaanka ciidama kenya ee carrada soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto isla dowladda kenya. Akhristow bal marka hore aynu isla fahanno cidda ay tahay kenya.



Kenya waa waddan ku yaalla bariga afrika tirada dadkiisa waxa lagu qiyaasaa illaa 48milyan, wuxuu xuduud la leeyahay waddamada kala ah: Soomaaliya, Yugaandha, Tanzaaniya, Koonfurta-suudaan iyo itoobiya.

Caasimada kenya waa Nairobi, magaca Kenya waxa laga soo dhambaley "Mount Kenya” oo ah magaca buurta u dheer kiiniya iyo midda labaad ee ugu dheer afrika, Waddanka dhaqaalihiisu waxa uu ku xidhan yahay beeraha iyo dalxiiska sababtoo ah waa meesha u badan ee ay joogaan xayawaanka duurjoogta ahi ee Afrika.

Xayawaanadii ka yaacay xabbada iyo dagaalkii sokeeye ee soomaaliya waxa ay ka gudbeen xuduudka wadanka Kenya sidaas ayayna hoy ugu noqotey tiro xayawaanno duurjoog ah oo aad u badan Afrika.

Haddii aynu u nimaadno dhibaatada Kenya iyo soomaalida ka dhex aloosan waa mid la abuurey. Waxaa bacrimiyay wadamada hadda lagu karkariyo siyaasadda adduunka iyo qaabka ay u socon lahayd.

Sannadkii 1895 ayaa uu gumaysigu si rasmi ah u qabsadey kenya, waxaana markaa kadib lagu magacaabi jirey "East africa British protectorate” maxmiyaddii bariga afrika ee biritishka, Waxa ay kiiniya xorriyadda heshay December 12, 1963 halkaas oo sannad kadib ay samaysteen jamhuuriyadda kenya.

Hoggaamiyihii u horreeyay waxa uu ahaa Jomo kenyatta. Akhristow hadaad intaa ila fahamtey aynu u nimaadno colaadda shabaabka iyo kiiniya waxa baasiinka kusii daray ee holciyey.

Shabaabku waa dhalinyaro soomaaliyeed. Sannadkii 2011 ayaa dawladda kenya ay xisaab khaldan isku dhufsatey kuna degdegtay go’aan khaldan oo ay kusoo gashay soomaaliya, dhiig bax badan kadib waxay ku biirtay dalladda AMISOM oo ay gargaar iyo hiil bidday, muddo Lix sano oo xidhiidh ah waxay Kenya weeraro aan loo aabba yeelin kala kulmaysaa Al Shabaab.

Isbarbardhigga dhulalka ay kala maamulaan XMA iyo KDF.

Dawladaha waaxyaabaha dumiya waxa kamida kala garasho la’aanta ama moogganaanta cadawga iyo saaxiibka, kenya waxay u muuqataa in ay ku jirto dagaal aan keeda ahayn wax ay ka dheefaysaana jirin. Shacabka kenya ayaa markasta ay u tahay tiiraanyo iyagoo baraha bulshada kusoo qora aragtiyo ka dhan ah dawladooda sida "KDF intered somalia while Alshabab militants intered kenya” oo ah ciidanka kenya waxay galeen somaaliya halka ciidanka shabaabkuna u weydaarteen kenya.

Akhristow waaxyaabaha dawladaha rida waxa kamid ah is khilaafsanaanta aragtida shacabka iyo madaxda sare ee dawlada, Waxaa kale oo dawladaha rida si cilmi ahna loo ogaaday waxaa kamida: dhibaatooyinka dawladaha awoodda leh ay ku hayaan nidaam waddan ka jira iyaga oo rabitaankooda ku meel marinaya lacag iyo arrimo dhaqaale. Sidoo kale waxa kamid ah musuqmaasuqa. Haddaba intaasoo dhani waxay dul hoganayaan dawladda kenya.

Waxa jirta maahmaah cajiib ah oo tiraahda "Safaru-ddanaakil kullu yoom baakir” oo macnaheedu noqonayo safarka cafarta ama danaakiladu maalin walba waa kallahaad haddana waxba uma qabsoomaan, kenya safarkeedu u ekaa halhayskii soomaaliyeed ee berri iyo beeni ma dhamaato. Aan u nimaadno nimanka dhalinyarada ahi dhulka ay ka taliyaan, waxa ka jirta cadaalad oo shacabku kuma dhibbana waana sababta aan weligeed loo arkin meel ay ka baxeen oo laga mudaharaadayo.

Waxaa jira dastuur toosan oo ah nin waliba wixii uu kitaabkaas ka helo. Sidoo kale dadka jooga dhulka dhalinyaradu ka taliyaan waxay ku qanacsan yihiin taageerada iyo in la wado dagaalka lagula jiro shisheeyaha halka shacabka kenya aanay ogoleyn dawladooda.

Ugu dambayn dagaalkaas oo sii socdaa wuxu kenya ku sababi karaa hoos u dhac dhaqaale iyo in ay isdhimaan dalxiisayaashii faraha badnaa ee dhaqaalaha laga samayn jiray, Waxay kaloo uu sababi karaa kacdoon dadweynaha kenya dawladooda kula xisaabtamayaan kaasoo ay ku weydiinayaan waxa dawladoodu ka faa’iido faragelinta soomaaliya.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi.

 

Related Items