Weeraro ciidamo katirsan dowladda lagu beegsaday oo ka dhacay Banaadir iyo Sh/Hoose.

Wednesday January 15, 2020 - 08:22:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weeraro ciidamo katirsan dowladda lagu beegsaday oo ka dhacay Banaadir iyo Sh/Hoose.

    Weeraro kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.


Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan weerar Bambaano ku qaadeen xarunta Laanta degmada Howlwadaag, goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qarax kadibna ciidamada Booliska ayaa rasaas furay.

Sidoo kale qarax ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan halka loo yaqaan biya degeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay xaafado katirsan Muqdisho.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah udhigay ciidamo ku socdaalayay deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho, iska hor'imaad xooggan ayaa lagasoo sheegayaa deegaanka Bariire.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu dagaal culus Bariire ku dhaxmaray dagaalyahannada Al Shabaab iyo ciidamada huwanta ah ee halkaasi saldhigyada ku leh.

Related Items