Daawo Video: 13 qof Carruur iyo Haween isugu jira oo Gaajo ugu dhintay magaalada Muqdisho!

Wednesday January 15, 2020 - 11:58:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: 13 qof Carruur iyo Haween isugu jira oo Gaajo ugu dhintay magaalada Muqdisho!

    Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lasoo daristay boqolaal kun qoysas danyar ah oo ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lasoo daristay boqolaal kun qoysas danyar ah oo ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


Ugu yaraan 13 qof oo ubadan haween iyo carruur ayaa gaajo iyo nafaqa darro ugu dhintay kaamambka barakacayaasha ee degmada Kaxda magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Kaxda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay aaseen meydadka 13 qof oo udhintay gaajo iyo cudurro ka dhashay nafaqa darrada, dadkan waxaa dayacday dowladda Federaalka oo aan waxba uqaban iyadaana sabab u aheyd in ay barakacayaal noqdaan.

Sumaya Axmed oo ka mid ah qaraabada saddex carruur ah oo gaajo u geeriyootey ayaa warbaahinta u sheegtay in carruurta u dhinteen, gaajo, nafaqo darro iyo daryeel la’aan "Caruurta dhimatay waxaa ka mid ah labo mataano ah, sadexdooda kala maalin ayey kala dhinteen, hooyadood nabar ayaa lugta ugu yaalo, oo ma shaqeysan karto, iyada oo hooyadeed qaraxii ayey ku dhumatay oo meydkeeda waa la waayey” ayay tiri.


Dowladda Federaalka ayaa bil walba lacago Malaayiin dollar ah ka aruursata kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadda iyo garoonka waxaana usii dheer lacago canshuura ah oo ay ka qaaddo suuqyada waaweyn sidaas oo ay tahay dowladani waxaa ku ag dhimanaya dadkii ay iyado soo barakicisay.

Hoos Ka Daawo Warbixin ku saabsan dadka gaajada ugu dhintay Muqdisho



Isha Muuqaalka: Goobjoog TV

Related Items