Hal Sano kadib Weerarkii DusitD2 ee Nairobi Kenya oo legdan ujoog noqotay [Warbixin].

Wednesday January 15, 2020 - 14:16:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hal Sano kadib Weerarkii DusitD2 ee Nairobi Kenya oo legdan ujoog noqotay [Warbixin].

    Hal sano oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii uu dhacay weerarkii Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi halkaas oo lagu laayay dad farabadan oo isugu jiray Kenyaan iyo Reergalbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal sano oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii uu dhacay weerarkii Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi halkaas oo lagu laayay dad farabadan oo isugu jiray Kenyaan iyo Reergalbeed.


15,1,2019 ayay dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab waxay weerar qorshaysan ku qaadeen dhismayaasha isku rararnka ah ee lagu magacaabo 14 Riverside complex.

Dowladda Kenya waxay sheegtaa in weerarkaas lagu dilay 21 qof oo isugu jiray ajaanib iyo muwaadiniin Kenyaan ah halka Al Shabaab ay sheegtay in dagaalyahanadeedu ay weerarka ku dileen 50 qof.

Hadda oo weerarkaas laga joogo hal sano oo kaamil ah dowladda Kenya wax xog ah kama hayso halka weerarka lagasoo abaabulay iyo xeeladihii ay adeegsadeen raggii weerarka fulinyay walina Kenya waxay lakulmaysaa weeraro joogta ah.


Ganacsato  iyo shaqaale Kenyaan ah oo ku hanti beelay weerarkii DusitD2 ayaa sanad kadib waxay dowladda ku eedaynayaan in aysan siinin wax megdhow ah walina ay dhibanayaal layihiin weerarada Al Shabaab.

Muwaadiniinta Kenya waxay ugu baaqeen madaxdooda in ay yareeyaan dhibaatada shacabka Kenya kasoo gaaraysa weerarada Al Shabaab islamarkaana ay lasoo baxdo ciidamada Kenyaatiga ah ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Tobanaan qoys Kenyaan ah oo ehelladoodi ku waayay weerarkii 14 Riverside ayaa ubaxyo duldhigay qabriyada dadkoodi halaagsamay ay ku aasanyihiin iyagoo barooranaya ayay eedayn ujeediyeen maamulka Uhuru Kenyatta.

Bishii Janaayo ee sanaddii 2019 wuxuu shacabka Kenya ugu bilaawday weerar dhiig badan ku daatay halka sanadka 2020 uu ugu bilaawday weerar kale oo 9 askari Kenyaan ah lagu dilay dhammaana waxaa weeraradan mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Jihaadiga Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa weeraro is xigxigay kala kulantay Al Shabaab sanadadii 2016,2017,2018,2019 iyo 2020, marka lagasoo tago weerarada waaweyn ee gudaha Kenya ka dhacaya waxaa barbar socda weeraro lagu dhiig bixinayo melleteriga Kenya ee duullaanka ku jooga gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.


Related Items