Maamulka 'Galmudug' oo markale kala qeybsanaan wajahaya iyo isbahaysi looga dhawaaqay Dhuusamareeb.

Wednesday January 15, 2020 - 21:18:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Galmudug' oo markale kala qeybsanaan wajahaya iyo isbahaysi looga dhawaaqay Dhuusamareeb.

    Maamulka fadhiidka ah ee isku magacaabay Galmudug ayaa markale xifaaltan siyaasadeed gorodda gelinaya xilli uu wali jiro khilaafka u dhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka fadhiidka ah ee isku magacaabay Galmudug ayaa markale xifaaltan siyaasadeed gorodda gelinaya xilli uu wali jiro khilaafka u dhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulkaasi.


Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah madaxweynaha 'Galmudug' ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada abaabul siyaasadeed oo ka dhan ah rabitaanka Kheyre iyo Farmaajo ee ah in uu doorashada soo socota kusoo baxo musharax ay wataan.

Xaaf oo dhowaan ka guuray magaalada Muqdisho ayaa waqooyiga Gaalkacyo ka sameeyay dhoollatus siyaasadeed wuxuuna kala diray maamulka deegaanka isagoo casilay duqii magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale musharrixiinta utaagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ee sida aadka ah u mucaaradsan siyaasadda Farmaajo ayaa degmada Dhuusamareeb uga dhawaaqay isbahaysi ay ku wajahayaan doorashooyinka.


Kamaal Guutaale iyo Cabdi Raxmaan Odawaa ayaa ugu muuq muuqda siyaasiyiinta loollanka kula jiro musharaxa dowladu wadato, inkastoo DF-ka ay wixii awoodeeda ah isugu geysay sidii ay hoggaanka ugu qaban laheyd maamulka 'Galmudug" hadane lama saadaalin karo sida ay arrinkaas ugu guuleysan karto marka loo eego culeysyada ay wajahayso.
Haddii dowladda Federaalka ay isku daydo in ay muquuniso dhinacyada ugasoo horjeedo siyaasadda Galmudug ayaa lafilan karaa in marake uu maamulkaas laba garab ukala jabo sida uu ka shanqariyay xildhibaan Axmed Macallin Fiqi.

"Galmudug waxay ku socotaa waddo ay ku dhismi karaan labo maamul is diidan, Labo Madaxweyne iyo labo Guddoomiye Baarlamaan, haddii Axmed Ducaale Geelle Xaaf u turin reer oo uusan hadda uga darin meesha ay Galmudug joogtoā€¯ayuu yiri Axmed Fiqi.

Related Items