Al Shabaab oo Weeraray Dad Caddaan ah oo Macdan ka qodanayay Buuraha gobolka Bari.

Thursday January 16, 2020 - 10:25:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weeraray Dad Caddaan ah oo Macdan ka qodanayay Buuraha gobolka Bari.

    Wararka ka imaanaya dhulka Buuralayda ah ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu beegsaday dad caddaan ah oo boob ku hayay Kheyraadka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Buuralayda ah ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu beegsaday dad caddaan ah oo boob ku hayay Kheyraadka dalka.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar xooggan lagu qaaday dhulka Buuralayda ah ee lagu magacaabo Saliid halkaas oo ay macdan ka dhuranayeen dad Ajaanib caddaan ah.

"Mujaahidiinta ayaa weeraray koox caddaan ah oo macdan ka qodanaysay Buuraha Saliid ee gobolka Waqooyi waxayna kasoo furteen gaari Cabdi Bile ah iyo agabyo kale" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.


Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka 'Puntland' oo ku aaddan weerarkan hubeysan oo ay la kulmeen dadka Ajaanibta ah ee maamulkaasi horay ugu ruqseeyay boobka Kheyraadka dalka.



Related Items