Ciidamo katirsan DF oo Askari ku dilay degmada Shibis.

Thursday January 16, 2020 - 07:58:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan DF oo Askari ku dilay degmada Shibis.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.


Ciidamo katirsan dowladda Federaalkan ayaa xalay fiidkii xaafadda Maanabooliyo ku dilay mid kamida ilaalada guddoomiye ku xigeenka degmada Kaaraan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askarta ku sugan Maanabooliyo ay Mooto Bajaaj kala degeen askari hubeysan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xasan Wancadde kadibna ay isla goobta ku toogteen.

Meydka askariga ladilay ayaa muddo saacada ah yiillay goobta iyadoona sarkaalka hoggaaminaya ciidamada ku sugan Maanabooliyo uu dadka u sheegaye in ruuxa ay dileen uu katirsan yahay Al Shabaab.


Saaka aroortii hore ayay goobta dilka gaartay haweenay lagu magacaabo Sowdo Maxamuud Gaaboow oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Kaaraan islamarkaana askariga ladilay uu ilaaladeeda kamid ahaa.

Xiisada colaadeed ayaa durbadiiba ka dhax bilaabatay maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan isgoyska Maana Booliyo iyo ciidamada guddoomiye ku xigeenka, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in meydka askariga ladilay lageeyay xarunta CID-da.


Related Items