Dagaallo iyo duqeymo 39 qof ku dhinteen oo ka dhacay Suuriya.

Thursday January 16, 2020 - 12:21:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo iyo duqeymo 39 qof ku dhinteen oo ka dhacay Suuriya.

    Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay waqooyiga wadanka Suuriya kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Bishaar Al Asad oo isku dhinac ah iyo xoogaga mucaaradka Sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay waqooyiga wadanka Suuriya kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Bishaar Al Asad oo isku dhinac ah iyo xoogaga mucaaradka Sunniga ah.


Wararka ka imaanaya gobolka Idlib ee dahca waqooyi galbeed Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay ciidamada huwanta ah la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin hor leh taas oo ka dhigan in uu burburay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee dhawaan lasaxiixay.

Sida uu sheegay Markazka xuquuqul Insaanka Suuriya ee fadhigiisu yahay magaalada London ugu yaraan 39 qof ayaa dhimatay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dagaal culus oo duqeymo barbar socdaan uu ka qarxay duleedka magaalada Macarratu Nucmaan.


Dadka dhintay waxaa kamid ah 17 askari oo katirsan ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad iyo dad shacab ah oo ku dhintay duqeymo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa nidaamka.

Guddiga difaaca Madaniga ah wuxuu sheegay in 18 qof oo isugu jira haween iyo carruur ay ku dhunteen duqeymo aan kala sooc laheyn oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay ka geysteen magaalada Idlib.

Goobaha duqeymaha lagu beegsaday waxaa kamid ah Suuq shacbi iyo xaafado dad barakacayaal ah deganyihiin, ciidamada cadowga ah ayaa qabsaday laba tuulo oo 7KM ujirta magaalada Macarratu Nucmaan.


Related Items