Kooxo Hubaysan oo Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat ku dhaawacay wadanka Koonfur Afrika.

Thursday January 16, 2020 - 17:14:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubaysan oo Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat ku dhaawacay wadanka Koonfur Afrika.

    Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo aan heybtooda lagaran ay weerar ugeysteen Sheekh Daaci caan ka ah caalamka gaar ahaan qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo aan heybtooda lagaran ay weerar ugeysteen Sheekh Daaci caan ka ah caalamka gaar ahaan qaaradda Afrika.


Saraakiisha Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ruux hubeysan uu toogasho ugeystay Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat xilli uu ku sugnaa magaalada Duban ee wadanka K.Afrika.

Ehellada Sheekh Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in ruux aan heybtiisa lagaran uu madaxa ka toogtay Sheekh Yuusuf oo ah 65 sana jir uu dhalay Daacigii caanaka ahaa ee Sheekh Axmd Diidaat.

Wakaaladda wararka Anaadool oo soo xiganaysa ehelka Sheekha laweeraray ayaa sheegtay in xaaladdiisa caafimaad ay aad uliidato islamarkaana dhaawac culus uu kasoo gaaray madaxa.


Sheekhan laweeraray ayaa caan ka ahaa magaalada Durban wuxuuna imaam ka ahaa Masjidka ugu weyn magaalada isagoona diinta islaamka ku dhax faafin jiray bulshada ugu badan gaalada Kirishtaanka.

Sheekh Axmed Diidaan oo dhalay sheekh Yuusufka xalay la dhaawacay ayaa geeriyooday sanaddii 2005-tii wuxuuna ahaa caalim doodo lageliyay Baadariyada Kirishtaanka iyo Yahuudda isagoo shubahaatkooda baadilka ah burburin jiray.

Axmed Diidaan ayaa sabab unoqday in ay diinta Islaamka soo galaan malaayiin qof oo horay gaalo u ahaa, muslimiinta caalamka ayaa baraha bulshada ugu duceynaya Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat oo illaa iyo hadda aan la ogeyn cidda mas'uulka ka ah weerarka lagu khaarijin rabay.



Related Items