Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat oo wadanka Koonfur Afrika ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Saturday January 18, 2020 - 10:50:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat oo wadanka Koonfur Afrika ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

    Allaha unaxariistee waxaa dhaawac culus oo soo gaaray ugeeriyooday Sheekh Yuusuf Axmed Deedaat oo kamid ahaa ducaadda muslimiinta ee ugu caansan qaaradda Afrika gaar ahaan Koonfurta qaaradaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha unaxariistee waxaa dhaawac culus oo soo gaaray ugeeriyooday Sheekh Yuusuf Axmed Deedaat oo kamid ahaa ducaadda muslimiinta ee ugu caansan qaaradda Afrika gaar ahaan Koonfurta qaaradaasi.


Qoyska Sheekha ayaa ku dhawaaqay in gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha uu Daaci Sheekh Yuusuf ku dhintay Isbitaalka weyn ee magaalada Ferulam, wiilka uu dhalay Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in aabihiis uu u dhintay dhaawacii cuslaa ee loo geystay habeenkii khamiista.

Boqolaal kun oo qof ayaa magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay janaaso sheekh Yuusuf loo sameeyay, saraakiisha Booliska dowladda Koonfur Afrika waxay sheegeen in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababta sheekha loo dilay iyo cidda dishay.


Allaha unaxariistee Sheekh Yuusuf waxaa dhalay Sheekh Axmed Deedaat oo ahaa daaci caan ka ahaa qaaradda Afrika islamarkaana ay gacantiisa ku islaameen boqolaal kun oo qof kadib markii uu dacwada islaamka ku faafiyay inta badan wadamada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Afrika.

Sheekh Axmed Deedaat ayaa caan ku ahaa doodo uu lageli jiray baadariyaasha Yahuudda iyo Nasaarada isagoona fadeexadeyn jiray khurraafaadka ay gaaladu ku doodo, wuxuu ku guulaystay in kumamaan kun oo gaala ahaa uu ku qanciyo diinta islaamka ayna ku xuroobaan Jowrkii kaniisadaha ayna galeen nuurka Islaamka.

Related Items