Al Shabaab Oo Weeraro saldhigyo lagusoo Afjaray ka fulisay degmada Afgooye [Warbixin].

Saturday January 18, 2020 - 11:14:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro saldhigyo lagusoo Afjaray ka fulisay degmada Afgooye [Warbixin].

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Afgooye oo dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Afgooye oo dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku miray dhowr saldhig oo maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen gudaha degmada Afgooye.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa sheegay in 'Mujaahidiintu' ay soo afjareen illaa laba saldhig oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen Afgooye oo qiyaastii 30 Km ujirta magaalada Muqdisho.


"Mujaahidiinta ayaa xalay saqdii dhexe weeraro lagusoo afjaray saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Murtadiinta ka fuliyay degmada Afgooye ee Sh/Hoose" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanada Al Shabaab ay weerareen lana wareegeen saldhigyada kala ah Mukeyga iyo Haanta dheer, dagaalyahananda Al Shabaab waxay dagaalka kusoo furteen gaari,sedax qori AK47 ah iyagoona nolosha ku qafaashay hal askari.

Sidoo kale weeraradii safmareenka ahaa ee Xalay Afgooye ka dhacay meelaha lagu beegsaday waxaa kamid ah saldhigga Altadaamun oo ay ku suganyihiin ciidamo AMISOM katirsan.

Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic xooggan oo lays weydaarsanayay intii uu dagaalku socday.


Related Items