80 katirsan ciidamada dowladda Yemen oo ku dhintay Weerar gantaal loo adeegsaday.

Sunday January 19, 2020 - 14:02:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    80 katirsan ciidamada dowladda Yemen oo ku dhintay Weerar gantaal loo adeegsaday.

    Khasaraa lixaad leh ayaa ciidamada dowladda dabadhilifka Yemen kasoo gaaray weerar cusub oo lagula beegsaday bartamaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaraa lixaad leh ayaa ciidamada dowladda dabadhilifka Yemen kasoo gaaray weerar cusub oo lagula beegsaday bartamaha wadankaasi.


Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in ugu yaraan 80 askari ay dhinteen tobanaan kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii Saaruukh lagu dhuftay saldhig ay uga sugnaayeen gobolka Ma'rib ee dhaca baratamaha wadanka Yemen.

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganaysa saraakiil katirsan wasaaradda difaaca xukuumada Yemen ayaa sheegtay in saaruukh loo malaynayo in ay soo rideen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta uu ku dhacay Masjid ay ku sugnaayeen ciidamo melleteri ah.


Isbitaalka guud ee gobolka Ma'rib ayaa la dhigay 100 askari oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday gaaska Afaraad ee ciidamada ilaalada madaxtooyada, Cabdi Rabih Haadi Mansuur oo ah madaxweynaha xukuumadda taakta daran ee fadhigeedu yahay magaalada Caden.

Illaa iyo hadda kooxaha Xuuthiyiinta ma sheegan mas'uuliyadda weerarkan inkastoo iyaga lagu eedeeyay wuxuuna imaanayaa xilli dhinacyada ku loollamaya wadanka Yemen ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdeen.


Related Items