Sawirro: Diyaarad Drone ah oo ku dhacday Tooratooroow iyo Al Shabaab oo gacanta ku dhigay.

Sunday January 19, 2020 - 18:03:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Diyaarad Drone ah oo ku dhacday Tooratooroow iyo Al Shabaab oo gacanta ku dhigay.

    Mid kamida diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa markale kusoo dhacday dalka Soomaaliya xilli ciidanka Mareykanka ay sare uqaadeen xasuuqa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa markale kusoo dhacday dalka Soomaaliya xilli ciidanka Mareykanka ay sare uqaadeen xasuuqa ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.


Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo dowladda Mareykanka leedahay ay kusoo dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in diyaarad Drone ah nuuca dagaalka ee wax duqeysa ay kusoo dhacday degmada Tooratooroow ee gobolka Sh/Hoose waxaana diyaaradda gacanta ku dhigay ciidamada xisbada maamulka islaamiga degmadaasi.


Dad ku sugan Tooratooroow ayaa warbaahinta sheegay in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaaradda iyo qalabkii ku xirnaa ayna ula dhaqaaqeen goob ammaan ah.

Maamulka islaamiga ah ee degmada Tooratooroow ayaa goob fagaara ah kusoo bandhigay diyaaradda oo laga dareemayay burbur xooggan.

Diyaaraddan ayaa la rumeysanyahay in ay qeyb ka aheyd diyaaradaha dagaalka ee xasuuqa ku haya shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose, isbuucii lasoo dhaafay ayay Tooratooroow duullaan ku tageen ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah waxaana dusha sare ka taageerayay diyaarado Drone ah oo kasoo duulay garoonka Balidoogle.






Related Items