Dagaallo Khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Sunday January 19, 2020 - 21:26:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta markale deegaanka Baar Sanguuni ku dhaxmaray ciidamo huwan ah iyo xoogaga Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta markale deegaanka Baar Sanguuni ku dhaxmaray ciidamo huwan ah iyo xoogaga Al Shabaab.


Dagaallada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii weerar dhabbagal ah loo dhigay ciidamo isugu jiray American iyo Bangaraaf kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka sameynayay wadada laamiga ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo xooggan iyo hugunka rasaas, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladii maanta dhanka ciidamada maamulka Axmed Madoobe looga dilay 5 askari halka 7 kale ay dhaawacyo soo gaareen balse lama oga khasaaraha ciidamada caddaanka ah kasoo gaaray qaraxyo dhowr ah oo lala beegsaday.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii huwanta ahaa ee dhaq dhaqaaqa ka sameeyay aagga Baar Sanguuni ay dib ugu laabteen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxayna horay usii qaateen meydad iyo dhaawacyo.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items