Ciidamada dowladda oo qof Shacab ah ku dilay isgoyska Ex.Control Afgooye.

Monday January 20, 2020 - 11:54:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo qof Shacab ah ku dilay isgoyska Ex.Control Afgooye.

    Ciidamada dowladda Federaalka ee isbaaradu utaal isgoyska Ex.Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa markale fal dil ah ugeystay qof shacab ah oo ku socdaalayay isgoyska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka ee isbaaradu utaal isgoyska Ex.Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa markale fal dil ah ugeystay qof shacab ah oo ku socdaalayay isgoyska.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si bareer ah utoogteen nin darawal ka ahaa gaari BL ah, toogashada ayaa timid kadib markii darawalka gaariga uu ka dhega adaygay in uu bixiyo lacag canshuur lagu sheegay oo ciidamadu ay waydiisteen.

Meydka ninka darawalka ah ee ladilay ayaa muddo saacad ka badan yiillay isgoyska Ex.Control Afgooye waxaana markii dambe Meydka darawalka goobta ka qaaday ehelkiisa.

Bishan gudaheeda ayay ciidamada dowladda sidaan oo kale magaalada Muqdisho ugu dileen ugu yaraan 10 qof shacab ah badanaa dilalkaas ayaa loo geystay wadayaasha Mooto Bajaajta.



Related Items