Madaxweynaha Maamulka 'Galmudug' oo soo xulay Xildhibaanno Cusub.

Monday January 20, 2020 - 12:44:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka 'Galmudug' oo soo xulay Xildhibaanno Cusub.

    Maamulka Galmudug garabka uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dadaal ugu jira sidii ay usoo dhisi lahaayeen maamul cusub kadib markii uu dhammaaday waqtigii maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug garabka uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dadaal ugu jira sidii ay usoo dhisi lahaayeen maamul cusub kadib markii uu dhammaaday waqtigii maamulkaasi.


Munaasabad ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayuu Xaaf ku iclaamiyay magacyada xildhibaannada cusub ee maamulkiisu yeelanayo, Xildhibaannadan oo ka kooban lixdameeyo ayaa lafilayaa in ay doortaan guddoomiye si loogu gogol xaaro doorasho madaxweyne.

Maamulka Galmudug garabkiisa ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sare uqaaday dadaallada uu kula loolamayo dowladda Federaalka, liiskan cusub ee xildhibaannada Baarlamaanka ee Mudug looga dhawaaqay ayaa imaanaya xilli dhowaan Dhuusamareeb lagu dhismay gole baarlamaan oo cusub.





FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items