Dibad baxyo rabshado wata oo dib uga billaawday dalka Ciraaq.

Monday January 20, 2020 - 20:58:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo rabshado wata oo dib uga billaawday dalka Ciraaq.

    Dibad baxyo rabshado wata oo dhiig badan ku daatay ayaa markale dib uga bilaawday inta badan gobollada waaweyn ee dhaca Koonfurta wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata oo dhiig badan ku daatay ayaa markale dib uga bilaawday inta badan gobollada waaweyn ee dhaca Koonfurta wadanka Ciraaq.


Kumanaan kun oo qof ayaa isugusoo baxay magaalooyin ay kamid yihiin Najaf,Naasiriya iyo Karbalaa oo dhammaantood dhaca Koonfurta Ciraaq, dadka shiicada ah ee dibad baxyada dhigaya ayaa ka cabanaya duruufo dhanka dhaqaalaha ah.

Wariyaal ku sugan Ciraaq ayaa soo sheegay in ugu yaraan sedax qof oo dibad baxayaal ah ay dhinteen kadib markii ciidamada boolisku ay u adeegsadeen rasaas, magaalada Baqdaad dadka rabshadaha wada ayaa xiray muunddooyinka muhiimka ah ee dulmara wabiya Furaat iyo Dajlah.


Xaaladda ayaa qarka usaaran in ay faraha ka baxdo ardayda jaamacadaha iyo iskuullada ayaa iclaamiyay in ay dibad baxyada ka qeyb qaadanayaan arrinkaas oo markale dib usoo cusboonaysiinaya rabshada dhiigga badan ku daadanayo ee wadankaas ka taagan.

Xukuumadda Shiicadu ku badantahay ee Ciraaq kajirta illaa iyo hadda kuma guuleysan in ay xadayso dibad baxyada wadanka gilgilay kuwaas oo ka dhashay musuq maasuqa maaliyadeed ee mas'uuliyiintu ku kacayaan, adeegyadii muhiimka u ahaa bulshada ee xukuumaddu qaban jirtay ayaa badankood hakad galay dhaqaalo darra aawgeed

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items