Hoggaanka Ururka Al Qaacidda oo Bogaadiyay Weerarkii saldhigga Mareykanka ee Manda Bay Kenya.

Monday January 20, 2020 - 21:06:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Ururka Al Qaacidda oo Bogaadiyay Weerarkii saldhigga Mareykanka ee Manda Bay Kenya.

    Ururka Al Qaacidda ayaa si diirran ubogaadiyay weerarkii aadka u xooganaa ee dagaalyahanno naftood hurayaal katirsan Al Shabaab ay dhowaan ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Qaacidda ayaa si diirran ubogaadiyay weerarkii aadka u xooganaa ee dagaalyahanno naftood hurayaal katirsan Al Shabaab ay dhowaan ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Kenya.


Bayaan kasoo baxay hoggaanka guud ee Al Qaacidda oo ay baahisay mu'asasada Assaxaab ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu jeediyay hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo ku aaddan agaasinka weerarkii Saldhigga Simba ee gobolka Lamu Kenya.

Al Qaacidda waxay Al Shabaab ku ammaantay kaalinta weyn ee ay ka geysteen olole dagaaleedka "Qudus lama Yahuudaynayo" oo intii ay socotay ay qaadday sedax weerar oo aad u waaweyn kuwaas oo laba kamid ah ay ka dhaceen Kenya midda kalane  lagu beegsaday saldhigga Mareykanka ee Balidoogle Soomaaliya.


Bayaanka Alqaacidda ayaa ciwaan looga dhigay "Salaan, qadarin iyo weyneyn ku socotta halyeeyada jihaadka ee Soomaaliya, iyo bayaan lagu maamuusayo kaalintooda hogaamineed ee ay ku leeyihiin camaliyaatka Jihaadiga ah ee Qudus lama Yuhuudaynayo".


Related Items