Shirkad Reergalbeed ah oo saadaalisay in dalka Itoobiya uu khalalaasa siyaasadeed marti gelin doono [Warbixin].

Tuesday January 21, 2020 - 20:34:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Reergalbeed ah oo saadaalisay in dalka Itoobiya uu khalalaasa siyaasadeed marti gelin doono [Warbixin].

    Warbixin dheer oo ay diyaarisey shirkad layidhaa Verisk Maplecroft badhtamaha bishan aynu ku jirno ayaa cilmi baadhis ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in dalal badan oo caalamka ah ay kacdoonno dadweyne ka bilaabmi doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin dheer oo ay diyaarisey shirkad layidhaa Verisk Maplecroft badhtamaha bishan aynu ku jirno ayaa cilmi baadhis ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in dalal badan oo caalamka ah ay kacdoonno dadweyne ka bilaabmi doonaan.


Shirkaddan oo lafa gurta saadaasha arrimaha siyaasadda misna fadhigeedu yahay ingiriiska ayaa sheegtay in 125 dal oo ay cilmi baadhis ku sameeyeen 75 kamid ah la rajaynayo in qalalaase iyo kacdoon shacab ka dhaco.

 Akhristow warbixin hore oo aynu ka diyaarinney Saamaynta dilkii Qaasim Suleymaani waxa aynu ku sheegnay saadaal ah in la rajeynayo soo noqoshada khilaafo awood badan islamarkaasna soo celin doonta sharaftii iyo karaamadii islaamka sanadahan dhaw insha allah, inagoo ka qiyaas qaadanney dumiddii khilaafadii cusmaaniyiinta oo ahayd 1924 Inaguna aynu saadaalinney 2024.


Haddaba warbixintan ay shirkaddani diyaarisay ayay ku sheegaysaa in waddamo badan kacdoonno ka dhici doonaan lixda bilood ee u horeysa sannadkan, Wadamada la saadaaliyay in qalalaase ka dhaci karaan waxa kamida itoobiya. Inkastoo aanan doonayn in aan ku fogaado warbixinta ay shirkaddaas diyaarisey qofkasta oo aqoonyahan ahna aan kula talin lahaa in uu isha mariyo waxa ay shirkaddaasi qortay kolkaasna wixii inaga anfacaya uu ka qaato.

Qoraa Masri ahaa ayaa lahaa halhays ah haddii waxkasta oo aad akhriday aad rumaysato waxba ha akhriyin. Aynu usoo noqonno qoraalkeennii ahaa barnaamijka halgankii Axmed Gureey "dhulkii awowyaasheen yaa soo dhicin doona” iyo warbixinta laga dheehan karo burburka dalal badan oo itoobiya ku jirto . Shucuubta soomaalidu waxa ay kamid yihiin dadyawga muslimiinta ah ee gumeysigu ku habsadey. Weydiin muhiim ah ayaa odhanaysa Soomaalidu ma xorowday 1960 kadib? Si aynu weydiintaas uga jawaabno ugu horreyn waa in aynu fahamnaa dawlad xor ahi waxa ay tahay.

Saaxiibkeyga qoraalkan akhriyayow dawladaha dunida aynu u qaybinno saddex nooc. Dawlad Islaami ah, dawlad xoog lagu qabsadey, dawlad calmaani ah. Dawladda Calmaaniga dhowr nooc baa hoos imaan kara sida dawlad qowmi ah iyo dawlad saliibi ah. Dawladaha qoomiyadnimada ku dhisan ee caalamka hadda ka jiraa waxa ay ku dhaqmaan system calmaani ah sidaa daraadeed gaar looma saari karo, dawladaha saliibiga ahina waa kuwa aas aasey habkan calmaaniga maadama oo ay haysataa diin munxarif ah oo aan la jaanqaadi karin waaqaca.

Dawlad Islaami ahi waa tii sharciga rabbi ku dhaqanta. Dawladaha Islaamiga sheegta ee hadda caalamka ka jiraana sida dhabta ah Islaami ma aha. Sababtoo ah kuma dhaqmaan kitaabka rabbi keligiis kedibna sunnada nebi muxamed SCW, waxaana kamid ah dawlada shiicada iiraan. Soomaalida markeynu ka hadlayno, gumeystayaashu waxa ay yimaadeen carrada soomaalida iyagoo ku andacoonaya in ay ganacsi la sameeyaan somaalida. Hase ahaatee waxa ay ku isticmaaleen dariiqadii khabiithka ahayd ee qaybi oo xukun.

Taasoo dhalisey in qabiil walbaa gaar heshiis ula galo gaaladii soo duushey. Gumeystayaashii markii ay baxeen, soomaalidu ma aysan dabbaqin shareecadoodii ay hore ugu dhaqmi jireen ee waxa ay kusii dhaqmayeen illaa haddana ku dhaqmaan xeer baaniyaalladii ay gumeystayaashu qorqoreen. Sidaa darteed lama odhan karo soomaalidu waa xor si dhameystiran. Hubaal soomalidu xorriyad waa qaateen haseyeeshee xorriyadoodu waxa ay ahayd maqaar saar.

Dadka qaar baa ku dooda in soomaalidu ay xoolo dhaqato iska ahayd oo aanay sharci diimeed ku dhaqmi jirin, khiyaamadaasna waxa abuurey gumeystaha oo doonayay in uu baabiiyo taariikhda soomaalida kolkaa waxa uu sameeyay in taariikhda laga soo bilaabo 1960-kii. Caamo badani waxay aamminsan yihiin in taariikhda soomaalidu 1960-kii kasoo bilaabanto. Cadowgu marka uu rabo in uu dad gumeysto ugu horreyn waxa uu bilaabaa taariikh duugid.

Soomaalida waxa la isku dayay in damiirka laga dilo. Qofkasta oo Aadame ahi waxa uu leeyahay ruux iyo jasad ama naf iyo jidh, kolkii kaadiyi ku qabbato farriimo ayaa maskaxda loo diraa kolkaas baad garataa in xaajo ku hayso laakiin daamiirku waa waxa ku fara in aanad ku dhex kaajin meesha aad fadhido ee aad musqusha gasho. Markaa damiirku waa maskaxda ruuxda, halka maskaxdu tahay caqliga jidhka. Haddaba waxa la isku dayay in bulshadeena damiirka iyo garashada suubban laga dilo, fadliga ilaahay se laguma guuleysan.

Horumarku ma aha laami iyo dhir cagaaran oo la beero, hubaal waxaasi horumar ma aha ee horumarka dhabta ahi waa tawxiidka. Nebi kasta oo lasoo direy wuxuu hawshiisa koowaad ka dhigaa tawxiidka iyo in ilaahay keligii la caabudo.

Kolkii alle keliya addoon loo noqdo baa waxa loosoo noqdaa in markaa hawlaha kale la qabto. Nebi shucayb markii uu tawxiidka ugu baaqay umaddiisii kedib ayuu u sheegay in aan miisaanka iyo beegga la nusqaamin oo khiyaanada la iska ilaaliyo. Intaasi waa dhextaal mar walba aynu ku iftiiminayno qiimaha shareecada.

Aynu u soo noqonno geeska afrika waxa ay saadaashiisu noqon karto. Itoobiya waxa xukuumadeedu ku dhawaaqday xisbiga barwaaqada (Prosperity Party), Xisbigaas oo durba noqday xuddunta xasarada waddankaas Islamarkiiba waxa soo baxay guux weyn oo TPLF (Tigray Peoples Liberation Front) xisbigii hore ee tigreygu ku diidan yahay ururka Abiyye ee PP (Prosperity Party). Waxa sidoo kale jirta aragti milinik uu qabey isla haddana ay axmaaradu aamminsan yihiin oo ah muqaddasnimada itoobiya taas oo dhalisey in gebi ahaanba qoomiyadda axmaaradu aaminto xukunka iney iska leeyihiin keligood federaalkuna baadil yahay, sidoo kale waxa ay axmaaradu tigreega ku dhaliilaan iney ereteriya madaxbannaani siiyeen itoobiyana bad la’aan ka dhigeen. Xisbiga tigreegu waxa ay ahaayeen kuwii aas aasey wixii loo yaqaaney EPRDF (Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front) oo ah xisbi maqaar-saar ah oo qawmiyadaha lagu cabudhin jirey.

Saameynta doorashada itoobiya

Doorashada itoobiya ka dhici doonta ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 16 Ogoosto, 2020. Doorashadaas oo la filayo iney xasarad ka abuurto waddankaas, sababtoo ah dadka ku dhaqan itoobiya ma aha qaar isku caqiido iyo dhaqan ah ee waa dad laysku karkarey. Ugu dambayn burburka itoobiya waxa ka dhalan kara tamar darro waxaana isku dhici doona saddexda dibi ee ay kala wataan oromada qaybtooda la kiristaameeyay, axmaarada iyo tigreegu. Waxaaney fursad dahabi ah u tahay shacabka soomaaliyeed iyo wiilasha sidii axmed gurey u halgamaya.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi

Related Items