Duqeymo 27 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Waqooyiga Suuriya.

Wednesday January 22, 2020 - 10:51:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo 27 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Waqooyiga Suuriya.

    Tobanaan qof muslimiin ah ayaa markale ku dhintay duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay ka geysteen gobollo katirsan wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof muslimiin ah ayaa markale ku dhintay duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay ka geysteen gobollo katirsan wadanka Suuriya.


Ugu yaraan 27 qof oo ubadan carruur iyo haween ayaa dhintay kadib markii duqeymo laayaan ah lagu beegsaday gobollada Idlib iyo Xalab oo dhammaantood dhaca waqooyiga Suuriya.

Duqeyn ay diyaaradaha ruushka ka geysteen galbeedka gobolka Xalab waxay ku dileen 6 qof oo ahaa hooyo iyo carruurtii ay dhashay sidoo kale duqeymo ka dhacay gobolka Idlib ayaa sababay dhimashada 21 qof sida ay sheegeen saraakiisha guddiga gurmadka degdegga ah.

Duqeymahan shacabku ku hoobteen ayaa imaanaya xilli dowladaha Ruushka iyo Turkiga ay sheegeen in xabad joojin cusub laga gaaray dagaalka ka holcaya baadiyaha gobolka Idlib oo intiisa badan ay maamulaan xoogaga mucaaradka.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items