Askari lagu dilay Ceelasha iyo Weeraro lagu beegsaday ciidamo katirsan AMISOM.

Wednesday January 22, 2020 - 11:09:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay Ceelasha iyo Weeraro lagu beegsaday ciidamo katirsan AMISOM.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay dileen askari katirsan ciidamada dowladda islamarkaana ay ka qaateen qori uu watay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in raggii weerarka geystay ay goobta si nabad gelya ah isaga dhaqaaqeen, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus.

Sidoo kale ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhaawacmay qarax xooggan oo lagula beegsaday deegaanka Buurane oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu haleelayay ciidamada Burundi ee qeybta ah AMISOM, markii qaraxu dhacay kadib ayay ciidamadu rasaas fureen, ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada shisheeye qarax lagula beegsadao deegaanka Buurane.

Dhinaca kale weerar xooggan ayaa xalay lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee Sh/Hoose dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo hugunka rasaas lays dhaafsanayay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items