Al Shabaab oo beeniyay war kasoo baxay Sirdoonka DF.

Wednesday January 22, 2020 - 12:05:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 12 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo beeniyay war kasoo baxay Sirdoonka DF.

    Xarakada Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay war kasoo baxay hay'ada sirdoonka dowlada Federaalka kaas oo lagu sheegay in nin ka tirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Farmaajo uu la shaqayn jiray Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay war kasoo baxay hay'ada sirdoonka dowlada Federaalka kaas oo lagu sheegay in nin ka tirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Farmaajo uu la shaqayn jiray Al-Shabaab.


Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay Shabakada wararka SomaliMeMo ayaa  sheegay in shakhsiga lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmad ee sirdoonka DF ay ku sheegeen inuu ka tirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka banaadir, dhanka kalena xarakada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka xuuraanka iyo maaliyadda uu gabi ahaanba yahay war aan sax ahayn isla markaana shakhsigaas la magacaabay uusan wax xiriir ah haba yaraatee la lahayn Mujaahidiina.


"Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah lalahaa Mujaahidiinta ama la shaqayn jiray,tallaabada ay qaadeen ee ay ninkaas eedaha noocaas ah ugu soo jeediyeen waa arrimo lagu yaqaanno oo iyaga dhexdooda ay dhibaato isku geystaan, qaarkoodna eedo aanan jirin ay dusha iskaga tuuraan iyagoo xilal ama dhaqaale kala riixanaya” ayuu sarkaalku u sheegay SomaliMeMo.

Sirdoonka DF ayaa tiro dhowr jeer ah xubno ka tirsan maamulka dowlada kusoo eedeeyay in ay wada shaqayn la lahaayeen Xarakada Jihaadiga ah ee Al Shabaab  iyagoo qaarkoodna xukunno kala duwan lagu riday.

Hay’adda NISA ee sirdoonka u qaabilsan DF ayaa looga bartay in ay eedo waxba kama jiraan ah usoo jeediso dadka shacabka ah, shaqaalaha maamulka ay ka tirsanyihiin iyo xitaa dowladaha qaarkood ee iyagu isku haya siyaasadda ka taagan Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambaysay ayaa ahayd bishii lasoo dhaafay ee December  xilligaas oo ay sheegeen in  sirdoonkoodu ogaaday  in dowlad ajanabi ah ay ku lug lahayd qaraxii ka dhacay Isgooyska Ex-Koontorool Afgooye balse dowladaas oo illaa iyo hadda aysan magacaabin dowlada ay tahay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items