Trump oo markale ku celiyay in ciidamadiisu aysan ka bixi doonin dalka Ciraaq.

Wednesday January 22, 2020 - 20:23:34 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo markale ku celiyay in ciidamadiisu aysan ka bixi doonin dalka Ciraaq.

    Markii ugu horraysay ayay kulan yeesheen madaxda dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq tan iyo markii horraantii bishaan melleteriga Mareykanka uu magaalada Baqdaad ku dilay Jeneraal sare oo katirsanaa dowladda Iiraan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay ayay kulan yeesheen madaxda dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq tan iyo markii horraantii bishaan melleteriga Mareykanka uu magaalada Baqdaad ku dilay Jeneraal sare oo katirsanaa dowladda Iiraan,


Donald Trump ayaa wadanka Switzerland kula kulmay Barhaam Saalax oo ah madaxweynaha magac uyeelka ah ee wadanka Ciraaq, labada dhinac ayaa sheegay in ay kawada hadleen iskaashiga dhanka amniga iyo istiraatiijiyadda ah.

Madaxweynaha Ciraaq wuxuu sheegay in uusan Trump kala hadlin wax ku saabsan sidii ciidamada American-ka ah looga saari lahaa wadanka Ciraaq taas bedelkeedna Mareykanku uu maleeshiyaadka xukuumadda Baqdaad ka gacansiin doono amniga.


Bishan gudaheeda ayuu baarlamaanka dowladda Ciraaq meel mariyay go'aan ciidamada Mareykanka ku amaraya in ay isaga baxaan wadanka waxaana muuqata in xukuumadda Washington aysan diyaar u aheyn in ciidamadeeda ay kala baxdo wadankaasi.

Dowladaha Iiraan iyo Mareykanka ayaa dhibaata daran ku haya muslimiinta sunniga Ciraaq iyagoo ku dul dagaallamaya islamarkaana boobaya kheyraadka muslimiinta sunniga ah.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items