Ciidamada AMISOM oo la sheegay in ay ka bixi doonaan degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

Wednesday January 22, 2020 - 21:40:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo la sheegay in ay ka bixi doonaan degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.

    Xaalad qoob gariir ah ayaa usoo gashay askarta iyo saraakiisha maamulka isku magacaabay Hirshabelle ee ku sugan degmada Mahadaay oo katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad qoob gariir ah ayaa usoo gashay askarta iyo saraakiisha maamulka isku magacaabay Hirshabelle ee ku sugan degmada Mahadaay oo katirsan gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya Sh/dhex ayaa sheegaya in askarta iyo saraakiisha dowladda ee ku sugan Mahadaay ay caawa maqribkii uhoyaadeen dhanka saldhigga ciidamada Burundi ee kuyaal halka loo yaqaan saraha duugan, cabsidan soo wajahday dabadhilifyada ayaa timid kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada AMISOM ay degmadaas isaga bixi doonaan.

Guddoomiye ku xigeenka Mahadaay ayaa warbaahinta u sheegay in ay kulan laqaateen saraakiisha ciidamada Burundi una xaqiijiyeen in ay geeddi ka yihiin degmada, dad ku sugan Sh/dhexe waxay sheegeen in labadii maalmood ee lasoo dhaafay  saldhigyada ciidamada AMISOM laga dareemayay dhaq dhaqaaq waxaana halkaas ku degayay diyaarado.


Horraantii bishan ayuu Ergayga Ururka Midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya wuxuu sheegay in marka lagaaro bisha Febaraayo sanaddan kun askari AMISOM ah laga saari doono dalka balse ma sheegin halka laga saari doono iyo dowladda ay katirsan yihiin.

Sanaddii lasoo dhaafay ayay dowladda Burundi ka qeylla dhaamisay qaraar kasoo baxay UN-ka kaas oo farayay in kun kamid ah ciidamadeed ay ka saarto Soomaaliya, lama oga in ciidamada shisheeye ay kawada bixi doonaan deegaannada ay uga suganyihiin Sh/dhexe iyo inkale.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items