Madaxweynayaasha maamulka 'Galmudug' oo maalmaha soo socda lagu dooran doono Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Thursday January 23, 2020 - 09:42:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha maamulka 'Galmudug' oo maalmaha soo socda lagu dooran doono Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

    Xiisado siyaasadeed iyo khilaaf ayaa hareeyay qorshihii ay dowladda Federaalka ku doonaysay in maamul cusub loogu sameeyo 'Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado siyaasadeed iyo khilaaf ayaa hareeyay qorshihii ay dowladda Federaalka ku doonaysay in maamul cusub loogu sameeyo 'Galmudug.


Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka aloosan xiisada siyaasadeed kadib markii kooxaha Suufida ay soo rogaal celiyeen ayna ku dhawaaqeen guddi doorasho cusub kaas oo khilaafsan dhammaan dadaalladii Farmaajo iyo Kheyre.

Suufida sheegata Ahlusuna ayaa shalay magacaabay guddi qaban qaabin doono doorashada madaxweynaha maamulka 'Galmudug', dowladda Federaalka horay waxay u magacaawday guddi doorasho.

Dhanka magaalada Gaalkacyo Xaaf ayaa isna qorshanaya in xildhibaannada maamulkiisa ay doortaan guddoomiye Baarlamaan kadibna Waqooyiga Gaalkacyo looga dhawaaqo madaxweynaha cusub ee 'Galmudug'.


Arrimahana waxay halis ku yihiin dadaalladii ay dowladda Farmaajo ku doonaysay in maamul iyada danaheeda ka shaqeeya ay ka yagleelato magaalooyinka wadada laamiga ah ku teedsan ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items