3 Askari American ah oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Australia.

Thursday January 23, 2020 - 12:26:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Askari American ah oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Australia.

    Wararka ka imaanaya wadanka Australia ayaa sheegaya in askar American ah ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay dhulka Keymaha wadankaas oo dab xooggan uu ka kacaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Australia ayaa sheegaya in askar American ah ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay dhulka Keymaha wadankaas oo dab xooggan uu ka kacaya.


Ugu yaraan sedax askari American ah ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka New South sida ay sheegeen saraakiisha dab damiska Australia.

Ciidamada Americanka ah ee dhintay ayaa qeyb ka ahaa howlgal dab damis ballaaran ah oo ka socda wadanka Australia, wasaaradda Gaasnaadhigga Mareykanka ayaa iyana xaqiijisay dhimashada ciidamadan.

Shirkado American ah oo ay xubno ka yihiin Jeneraallo howlgab Mareykanka ah ayaa bishii lasoo dhaafay loo daad gureeyay wadanka Australia si ay qeyb uga noqdaan isku dayada lagu doonayo in lagu dambiyo damka khasaaraha badan dhaliyay ee wadankaas ka socda




Related Items