Ciidamo Kenyaan iyo Yugaandheys ah oo lagu Weeraray NFD iyo Sh/Hoose.

Thursday January 23, 2020 - 21:25:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaan iyo Yugaandheys ah oo lagu Weeraray NFD iyo Sh/Hoose.

    Iska hor'imaadyo kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Iska hor'imaadyo kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.


Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab aya weeraro saacado badan qaatay ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM ka sameysteen deegaanka Mashallaay ee duleedka degmada Qoryooleey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay laba jeer weerareen saldhigga Mashallaay, dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa ciidamada Uganda ku weeraray degmada Buulo Mareer balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada maanta ka dhacay Sh/hoose.


Dhinaca kale qarax khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan Booliska Kenya lagula beegsaday dhulka NFD ee gummeysiga kujira.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Kooyal ah lagu qarxiyay deegaanka Ceelwaaq Kenya ee dhulka NFD balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku saabsan qaraxa ciidamadooda lala beegsaday.

Related Items