45 Sano Kadib maxaa laga dhaxley Xasuuqii Culimada Soomaaliyeed W/Q Wadaad Yare.

Thursday January 23, 2020 - 21:45:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    45 Sano Kadib maxaa laga dhaxley Xasuuqii Culimada Soomaaliyeed W/Q Wadaad Yare.

    Bishan aynu ku jirno oo kale January, 1975-kii ayaa si xaqdarro ah loo diley 10 wiil oo dhalinyaro ah isla markaana culimo ahaa. Dilkaas culimada loo geystay waxa uu ka dhashey kadib markii dawladdii kacaanka ahayd ee xilligaasi ay soo saartey xeer s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishan aynu ku jirno oo kale January, 1975-kii ayaa si xaqdarro ah loo diley 10 wiil oo dhalinyaro ah isla markaana culimo ahaa. Dilkaas culimada loo geystay waxa uu ka dhashey kadib markii dawladdii kacaanka ahayd ee xilligaasi ay soo saartey xeer sheegaya in ragga iyo dumarku siman yihiin.



Maryan Xaaji cilmi oo hadda ah hooyo soomaaliyeed oo towbad keentay sida ay sheegtayna aan cilmi badan u lahayn diinta islaamka waagaas. Isla markaasna ahayd guddoomyiha ururka haweenka soomaaliyeed ee lagu magacaabi jirey PRO ayaa ka warantey wixii xilligaas jirey oo tidhi: Markii uu rabey in uu siyaad Barre xalaaleysto dilka wiilashaas dhalinyarada ah inuu isugu yeeshay dhammaan culimadii ugu waawayneyd waddanka kadibna inta uu kolba mid kiciyay magacyadoodana sheegay ugu dambeyn yidhi "Anigu ma xidhxidhin culimo soomaaliyeed ee waxa aan laayay sarkhaamiin iyo ciyaalo suuq”. Waxa kale oo ay sheegtay in isla markii dilku dhacay ay u tagtey Maxamed Siyaad Barre isaga oo yaabban oo foorara uuna ku yidhi "Weligey intaan cid tooganayay wiilashaas wiilal lamida ma arkin.”  



Waxa ay hadalkeeda iyadoo sii wadata raacisay in isaga oo madaxweynuhu akhriyaya dardaarannadii ay qoreen markeliya uu dhawaaq xooggani dhacay, waxa isku dhacay laba diyaaradood oo dhibaato badan geystay.

Haddaba markasta oo madaxweynaha daalimka ahi uu arko umadda meesha uu xukumayo joogtaa in ay wacyi ahaan hoosayso ama cabsiyiku jirto waa markasta oo uu ku dhiirado baadilka iyo meelmarinta xaqdarrada. Kolkaa waxa la isweydiin karaa dadkii xiligaas joogay sidee ayay uga falceliyeen dilkii loo geystey wadaadadoodii ehlu kheyrka ahaa?.

 Akhristow markasta ogow waa dhalinyarada kuwa ugu dhiirran in ay ka falceliyaan xumaatada Wadaadihii xilligaas joogay kuwoodii ugu waaweynaa badankood waa baqdeen ama cabsadeen, wadaadada la laayayna waxa ay ahaayeen kuwo aan ka ugu wayni gaadhin 30jir sida la rumeysan yahay.

Sannadkii hore 21 October mar uu hadlayay wiil uu dhalay mid kamid ah dhallinyaradii xilligaas la laayay ayaa isna dalbaday in magdhow laga siiyo dilkii xaqdarrada ahaa ee aabihiis loo geystay.

Qisooyinka cajiibka ah ee laga soo tebiyo dhacdadaas naxdinta lahayd waxa kamid ah: Maalintii la dilayay wadaadada ayaa mid kamid ahaa waxa uu ku duceystay hadal macnihiisu ahaa "ilaahow kuma weydiisanayo in aad iga badbaadiso daalimkan oo geeri kama baqayo balse umaddaas soomaaliyeed ee diintooda la beddelay u qiiroon weyday cabsi ku sallid” Sidii baa dhacday oo waa tii buulkastaba baqdinta iyo balaayadu gashay waxaana soomaaliya ka dhacay qixii ugu ba’naa dilkii culimadaas kadib. Yurub, Mareykan, Afrika iyo Aasiyaba waxa aad ku arkeysaa dad soomaaliyeed oo ku dhibban. Umaddii saddex laga waayo ma tamariyaan. Saddexdaas oo ah Waayeel taliya, Wadaad wacdiya iyo wiil dagaallama.

Dilkii kadib maxaa dhacay.

Waxa isku dhacay labo diyaaradood oo dhib badan geystay. Waxaa waxyar kadib la casilay oo xilkii laga qaaday 75 agaasimayaal  iyo maareyayaal isugu jira. Wargeysyadu caalamku maalmahaas waxay ka qoreen warbixinno qaarkood loogu magac darey "The blooding sexual equality in somalia” oo macnaheedu noqonayo haddii aynu soo dhaweyno "Dhiigbaxa ay sababtey sinaanta jinsiga ee ka socota soomaaliya”taasoo looga gol lahaa in waddanku dhiig faraha geliyay. Waxa la sheegaa in derajada laga dhigaey saraakiil badan oo ciidan ah. Sidoo kale waxa la sheegaa in amar diiddooyinkii ugu ba’naa abid uuay la kulmay  Maxamed siyaad Barre kaas oo sababay isku day inqilaab iyo jabhado qabiil oo isbarkan. Sidaasna waxa ku burburey dawladdii soomaaliya ee u tafaxaydatey diin la dirirka iyo hawo raaca.

 

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi

Related Items