R/wasaaraha Yahuudda oo eedeeyay Maamulka Shiicada Iiraan.

Saturday January 25, 2020 - 10:33:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaaraha Yahuudda oo eedeeyay Maamulka Shiicada Iiraan.

    Xaflado baroordiiq ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacyay qudus ayuu R/wasaaraha Yahuuddu ku sheegay in loo midoobo sidii looga takhalusi lahaa maamulka shiicada iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflado baroordiiq ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacyay qudus ayuu R/wasaaraha Yahuuddu ku sheegay in loo midoobo sidii looga takhalusi lahaa maamulka shiicada iiraan.



Hadalkan oo yimid kadib xuskii 75-aad ee tirtiridii Yuhuudda uu u geystay naasigii J armalka, Natanyaahu hadalladiisii waxa kamid ahaa "Dunidu waxa ay ku fashilantay in ay u midawdo maamulka macangaga ah ee Iiraan taas oo uu ku sheegay Ant-semitic ama maamulka ugu neceb yuhuudda ee hadda jooga.”

"Israa’iil waxay y diyaar u tahay taxaaluf iyo nafhur haddii aan sidaa la yeelinna cidna ma badbaadeyso, sidoo kale waxa aan xasuusannaa 80 sano ka hor markaas oo yuhuuddu waajahday gaboodfal iyo tirtirid” Ayuu yidhi Natanyaahu.



 Sidoo kale waxaa hadalladiisa kamid ahaa "Waxa aan ka walaacsanahay inaan weli arkin  go’aanno midaysan oo ka dhan ah iyo maamul u xusul duuban sidii uu u heli lahaa nukliyeer kadibna u tirtiri lahaa yuhuudda.

Khudbaddiisa oo dheerayd waxa uu kaga hadley xusuusihii guryihii lagu tacdiibin jiray Yuhuudda kaas oo dad badan lagasoo guri jiray iyaga oo dambas isu bedelay kadib markii gaas loo isticmaaley dilkooda sida hoygii lagu magacaabi jirey gaas jeembar.

Xilli dawladaha carbeed ay ku jiraan tiih ayaa dawladda Yuhuuddu ay rabtaa in ay la wareegto gebi ahaanba dhulka Falastiin, iyadoo mandaqada baaqurra, Qamra iyo dhammaan qawral-Urdun ay noqdeen xuddunta tartanka doorashada  waxa loogu yeero Israel.

Hoggaamiyaha xisbiga buluu-caddaanka Beny Gantz ayaa sheegay in mandaqadaas ay ku darayaan dhulka Yuhuudda meeshaas oo noqon doonta difaac iska hor imaad kasta oo Yuhuudda ku yimaadda mustaqbalka, horena ay khalad u galeen madaxdii hore ee ku wareejisay Urdun dhulkan.
 
Haddaba mandaqadani waxay ku taallaa beriga halka ay ku kulmaan webiga Urdun iyo webiga Yarmuuk. Maamulka yuhuudda ayaa qabsadey baaqura 1950-kii kadibna waxa ay ku celiyeen gacanta Urdun October 26, 1994. Wixii loogu magac darey "heshiiska nabadda”.

 Waxa muhiim ah in la ogaado labada buqcadood ee lagu wareejiyey dawladda boqortooyada Urdun in ay ahaayeen si kiro ah muddo 25 sannadood ah. Sanadahaas oo ku ekaa sanadkii 2019-ka ee ina dhaafay.

Waxa loogu yeedho Israa’iil ama maamulka yuhuudda ayaa ah maamulka keliya ee aan lahayn xuduud sugan, taas oo noqonaysa maalinba intii ay ka qabsadaan dhulka muslimiinta in ay iyagu iska leeyihiin, Dhawaan uun bay ahayd markii madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu sheegay Jerusalem(Qudus) in uu u aqoonsan yahay caasimada wadanka israel.

Dadka muslimiinta ah oo isku leh waajib iyo gargaar walaalnimo ayaa bulshada soomaaliyeed iyo dhalintooda halgameysaa ay qaadayaan weeraro ka dhan ah gaalada kaas oo loogu magac darey "Qudus lama yuhuudayn karo”.

Related Items