Maxkamad Islaami ah oo min 100 Jaydal iyo Masaafurin Ku Xukuntay Gabar iyo Wiil fal zina ah ku dhacay.

Saturday January 25, 2020 - 11:49:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Islaami ah oo min 100 Jaydal iyo Masaafurin Ku Xukuntay Gabar iyo Wiil fal zina ah ku dhacay.

    Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun ku ridday laba ruux foo al zina ah ku dhacay iyagoo aan wax guur ah horay usoo marin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore xukun tacsiir ah
Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun ku ridday laba ruux foo al zina ah ku dhacay iyagoo aan wax guur ah horay usoo marin.



Fagaara weyn oo ku yaala degmada Jilib ee gobalka  Jubbada Hoose waxaa ka dhacay Xad ka mid ah Xuduuda Alle kaasi oo ay fulisay maxkamada Shareecada Islaamka ee Wilaayadaasi.

Xukunkan oo ah Xaddu Zinah waxaa lagu fuliyay Ibraahim Maxamuud iyo Xaawo Cabdu Qaadir oo iska Zinaystay kadibna ka qirtay maxkamadda islaamiga ah horteeda, labadan ruux ee Zinada ku dhacay ayaa lagasoo qabtay banaanka Jilib waxaana la horgeeyay maxkamadda.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah ayaa goobta fagaara ah ka akhriyay xukunkan iyo maraajicda loo cuksaday, gabadha iyo wiilka Zinada ku dhacay ayaa mid walba lagu dhuftay 100 Jeydan waxaana la amray in muddo sanada ah laga masaarufiyo goobta ay xummaanta ku sameeyeen.



Gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya oo ay kajiraan maamullo Isaami ah ayaa lagu tadbiiqiyaa ku dhaqanka shareecada Islaamka taas oo sababtay in dadku ay helaan ammaan ayna yaraadaan falalka anshax xumada ah.


 

Related Items