Al Shabaab oo si nabad gelya ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Farlibaax.

Saturday January 25, 2020 - 19:12:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo si nabad gelya ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Farlibaax.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si nabad gelya ah kula wareegay gacan ku haynta deegaan istiraatiiji ah oo dhaca xuduud beenaadka ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si nabad gelya ah kula wareegay gacan ku haynta deegaan istiraatiiji ah oo dhaca xuduud beenaadka ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay maanta duhurkii gudaha ugaleen deegaanka Farlibaax oo qiyaastii 45 KM ujira magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka.

Wariye ku sugan Hiiraan ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay fagaare kuyaal deegaanka Farlibaax ugu muxaadareeyeen shacabka waxayna ku booriyeen sidii ay isugu maamuli lahaayeen Shareecada Islaamka.


Maleeshiyaad dabadhilifyo ah oo taabacsan maamulka Dabaqoodhiga Itoobiya ayaa deegaanka isaga firxaday kadib markii ay sheedda ka arkeen Mujaahidiinta "Ciidamada Mujaahidiinta ayaa lawareegay deegaanka Farlibaax kadibna shacabka muslimiinta ah ayay muxudaareeyeen" sidaas waxaa yiri qof deegaanka ah.

Deegaankan ay qabsadeen Shabaabul Mujaahidiin ayaa kaabiga ku haya dhulka Soomaaligalbeed ee gumeysiga Xabashida Itoobiya kujira.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items