Qarax askar ku dhimatay oo Muqdisho ka dhacay iyo Askari lagu dilay Gaalkacyo.

Saturday January 25, 2020 - 19:35:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax askar ku dhimatay oo Muqdisho ka dhacay iyo Askari lagu dilay Gaalkacyo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadad ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadad ah ee Muqdisho.


Ugu yaraan 2 askari ayaa dhimatay 4 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax xooggan lagu beegsaday gaari nuuciisu yahay Saaruf xilli uu marayay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkaynaleey.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burbur xooggan gaarsiiyay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan askartii la socotay, markii uu qaraxu dhacay kadib ayay goobta gaareen ciidamo dowlada katirsan iyagoo qaaday Meydadka iyo dhaawacyadii qaraxu beegsaday.


Wararka ayaa intaas ku daraya in markii uu qaraxu dhacay ay rasaas fureen ciidamo katirsan dowladda balse lamasoo sheegin khasaara gaaray dadka shacabka ah.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay mid kamida ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items