Al Shabaab oo Sedax Askari ku toogtay deegaan katirsan Jubbada Hoose.

Sunday January 26, 2020 - 09:29:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sedax Askari ku toogtay deegaan katirsan Jubbada Hoose.

    Fagaare kuyaal degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose shalay gelinkii dambe waxaa lagu dilay sedax ruux oo lagu helay dambi ah in ay la shaqeynayeen ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo maamullada taabacsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose shalay gelinkii dambe waxaa lagu dilay sedax ruux oo lagu helay dambi ah in ay la shaqeynayeen ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo maamullada taabacsan.


Maxkamadda Islaamiga wilaayada Jubbooyinka ayaa xukunno dil ah ku ridday illaa sedax nin oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Al Shabaab, qaadiga maxkamadda Islaamiga ah ayaa goob fagaare ah ka akhriyay magacyada ragga ladilay iyo dambiya lagu helay.

Hoos ka akhri magacyada askarta ladilay

1-Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sana jir ah wuxuu kamid ahaa ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku ku tababaray Balidoogle waxaa lagusoo qabtay wadada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye


2-Xuseen Max'med Cabdi Arsal oo 20 sana jir ah wuxuu katirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee ka howlgala Baar Sanguuni waxaana lagu qabtay Jubbada Hoose

3-Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah wuxuu la shaqeynayay ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose isagoona tababar ku qaaday xerada Kamaga ee gudaha Kenya waxaa gacanta ku dhigay Al Shabaab.

Saraakiil ka hadashay fagaarihii toogasho ka dhacaysay ayaa ku goodiyay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan askarta dowladda ee gacanta lagusoo dhigo iyagoo waddooyinka si dhuumaalaysi ay umaraya, ma ahan markii ugu horraysay oo Al Shabaab ay deegaanno katirsan Jubbooyinka ka fuliso xukunno dilal ah.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items