Sawirro: Jihaadiyiinta Al Qaacidda oo Weeraro ka fuliyay Sedax Wadan oo ka dhaca Galbeedka Afrika.

Sunday January 26, 2020 - 14:03:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Jihaadiyiinta Al Qaacidda oo Weeraro ka fuliyay Sedax Wadan oo ka dhaca Galbeedka Afrika.

    Jamaacada Jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal muslimiin ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan JNIM ayaa sheegatay mas'uuliyadda silsilado weeraro ah oo ay ka fulisay sedax wadan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaacada Jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal muslimiin ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan JNIM ayaa sheegatay mas'uuliyadda silsilado weeraro ah oo ay ka fulisay sedax wadan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


JNIM oo macnaheedu yahay kooxda Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ayaa howlgaladeeda oo ahaa kuwa taxana ah ku beegsatay saldhigyo melleteri oo kuyaal wadamada Maali,Burkina Faso iyo Niger waana sedax wadan oo daris ah.

Bayaan sawirro lagu laray oo kasoo baxay Kooxdan Jihaadiga ah ee Al Qaacidda ku xiran ayay ku sheegtay in gaadiid gaashaaman oo ay wateen ciidamada Faransiiska iyo kuwa Q.Midoobay ay ku burburisay qaraxyo.

Weerarada ugu ballaaraan uguna khasaaraha badan ayay xoogaggan Jihaadiga ah kala duldhaceen ciidamada xukuumadda dabadhilifka Burkina Faso oo qeyb ka ah isbahaysiga G5 ee duullaanka Maali qeybta ka ah.








Related Items