Wadanka Burundi Jeneraal Melleteri oo qabtay Hoggaanka Xisbiga talada haya.

Sunday January 26, 2020 - 21:24:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Burundi Jeneraal Melleteri oo qabtay Hoggaanka Xisbiga talada haya.

    Jeneraalka hoggaamiya ciidamada melleteriga wadanka Burundi ayaa majaraha uqabtay xisbiga talada haya taas oo ka dhigan in Melleterigu markale wadanka maamuli doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Evariste Ndayishimiye waa taliyaha ciidanka Burundi
Jeneraalka hoggaamiya ciidamada melleteriga wadanka Burundi ayaa majaraha uqabtay xisbiga talada haya taas oo ka dhigan in Melleterigu markale wadanka maamuli doono.


Munaasabad ka dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Bujumbura ayaa guddoomiyaha Xisbiga CNDD-FDD ee talada haya loogu doortay Jeneraal Evariste Ndayishimiye oo ah taliyaha guud ee ciidamada Melleteriga Burundi.

Warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in hoggaaminta Xisbul Xaakimka loo caleema saaray Jeneraal Evariste Ndayishimiye waxaana madashii lagu caleema saarayay ku sugnaa mas'uuliyiinta ugu sarreeya xukuumadda marka laga reebo madaxweynaha.


Jeneraalkan majaraha uqabtay xisbiga talada haya ayaa isku taagi doono xilka madaxweynaha doorashada dhici doonta bisha May ee sanaddan 2020, kooxaha mucaaradka waxay sheegayaan in madaxweynaha waqtigiisa sii dhammaanayo ee Pierre Nkurunziza uu taliyihiisi Melleteriga usoo xushay in uu xilka ka dhaxlo.

Wadanka Burundi ayaa laba sano ka hor martigeliyay dagaal culus kaas oo sababay in boqolaal kun oo mucaarad ubadan ay ucararaan wadamada dariska ah sida Tanzania iyo Uganda.

Madaxweynaha waqtigiisu sii idlaanayo ee Pierre Nkurunziza ayaa talada Burundi qabtay sanaddii 2005 xilligaas oo uu soo idlaaday dagaalkii Sokeeye ee wadankaasi halakeeyay wuxuuna ninkaan madax u ahaa maleeshiyo Fallaaga ah oo dad badan laysay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho




Related Items