Nin Wada shaqeyn lalahaa Sirdoonka Mareykanka oo Muqdisho lagu dilay.

Monday January 27, 2020 - 10:00:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Nin Wada shaqeyn lalahaa Sirdoonka Mareykanka oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil qorshaysan oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa sheegatay dilka Cabdi Yuusuf Shabeel
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil qorshaysan oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubaysan ayaa xalay fiidkii xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku dilay mid kamida saraakiisha Soomaalida ee wada shaqeynta dhow laleh sirdoonka dowladda Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay Muqdisho ku dishay Cabdi Yuusuf Sheebal oo la sheegay in uu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka. "Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Sheebal oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Ninkan lagu dilay xaafadda Gubta ayaa wada shaqeyn dhow lalahaa sirdoonka Mareykanka isagoo ku lug lahaay howlgallo culimaa'udiin badan lagu qabtay kadibna loo gacan geliyay dowladaha shisheeye dadkaas oo ku eedaysan ku lug lahaashiyaha waxa loogu yeero Argagaxisada.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items