Weerar 20 Askari lagu dilay oo ka dhacay xuduudda Maali iyo Muritaaniya.

Monday January 27, 2020 - 10:35:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 20 Askari lagu dilay oo ka dhacay xuduudda Maali iyo Muritaaniya.

    Xoogag Jihaadiyiin ah oo aad u hubeysan ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday saldhigga ciidmada Melleteriga Maali ay ku lahaayeen deegaan kulaala xuduud beenaadka wadanka Muritaaniya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag Jihaadiyiin ah oo aad u hubeysan ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday saldhigga ciidmada Melleteriga Maali ay ku lahaayeen deegaan kulaala xuduud beenaadka wadanka Muritaaniya.


Wararka ka imaanaya Maali ayaa sheegaya in xoogaga Jihaadiga JNIM ee taabacsan Al Qaacidda ay weerar aad uxooggan ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal degmada Sokolo oo katirsan gobolka Segou.

War rasmi ah oo kasoo baxay Jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay weerar xoog kugal ah ku qaadeen saldhigga ciidanka Maali ayna dileen wax ka badan 20 askari.

Weerarka oo ahaa mid lama filaan ah ayaa sababay in xoogaga Al Qaacidda ay gacanta ku dhigaan dhammaan wixii hub ahaa ee saldhigga yiillay waxaana kamid ah 9 gaadiidka dagaalka ah,20 qori PKM ah iyo saanado kale.


Dhinaca kale Afhayeenka Melleteriga Maali ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda weerar xooggan lagu qaaday wuxuu sheegay in 19 askari laga dilay.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa kaabiga ku haysa xuduudda dalka Maali uu la wadaago wadanka Muritaaniyo waana furin cusub oo markale ku furantay ciidamada xukuumadda Maali.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items