Farmaajo oo 2 todobaad gudahood socdaal ku tagay dalka Eritrea.

Monday January 27, 2020 - 08:32:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo 2 todobaad gudahood socdaal ku tagay dalka Eritrea.

    Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa markale usafray wadanka Eritrea ee dhaca bariga qaaradda Afrika kana mid ah wadamada faragelinta ku haya Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa markale usafray wadanka Eritrea ee dhaca bariga qaaradda Afrika kana mid ah wadamada faragelinta ku haya Soomaaliya.


Socdaalka Farmaajo oo noqonaya midkii labaad laba todobaad gudahood ayaa salka ku haya ka qeybgalka kulan uu qaban qaabadiisa leeyahay Abiy Axmed R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Eritrea waxay sheegtay in kulankan sedax geesoodka ah lagu dardar gelin doono heshiis horay udhaxmaray Itoobiya,Eritrea iyo dowladda Farmaajo wuxuuna qorshuhu yahay in Soomaaliya lagu biiriyo labadaan dowladood ee cadaawadda uqaba shacabka Soomaaliyeed.


Dowladda Itoobiya ayaa xusulduub ugu jirta sidii ay uqabsan laheyd badda Soomaaliya iyadoo boor isku qaris ka dhiganaysa midaynta wadamada Bariga Afrika, Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa si axmaqnimo ah ugu dhaxmilmay siyaasadaha Eritrea iyo Itoobiya ay ka leeyihiin mandiqadda geeska Afrika.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in kulamada Asmara ka socda ay ka biya diidantahay dowladda Jabuuti oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxayso Erirtea

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items