Video+Sawirro: Taliban oo dhulka soo dhigtay diyaarad ay la socdeen Saraakiil American ah.

Monday January 27, 2020 - 20:59:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Taliban oo dhulka soo dhigtay diyaarad ay la socdeen Saraakiil American ah.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in diyaarad melleteri oo ay la socdeen ciidamo American ah dhulka lasoo dhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in diyaarad melleteri oo ay la socdeen ciidamo American ah dhulka lasoo dhigay.


Maanta duhurkii ayay diyaarad nuuca saadka daabula ah ku dhacday degmada Dehbiik oo katirsan gobolka Gazni ee dhaca bartamaha wadanka Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dhulka soo dhigeen diyaaradda oo ay la socdeen saraakiil katirsan CIA-da Mareykanka.

Muuqaal Video ah oo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay diyaarad nuuca xamuul ah oo ku gubanaysa bartamaha Afghanistan kadib markii lasoo riday, mas'uul American ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in diyaaradda soo dhacday ay isticmaalayeen ciidanka Mareykanka.


Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah ah Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa isna warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen burburka diyaaradda iyo Meydadka askartii la socotay.






Related Items