Wasiirkii Amniga maamulka Axmed Madoobe oo ka baxsaday Xabsi Muqdisho kuyaal.

Tuesday January 28, 2020 - 19:36:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Amniga maamulka Axmed Madoobe oo ka baxsaday Xabsi Muqdisho kuyaal.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baadi goob ugu jirto wasiir katirsan maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay oo si lama filaan ah uga baxsaday xabsi kuyaal magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baadi goob ugu jirto wasiir katirsan maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay oo si lama filaan ah uga baxsaday xabsi kuyaal magaalada Muqdisho.


War kasoo baxay taliska booliska dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Cabdi Rashiid Janan oo ahaa wasiirkii amniga maamulka Axmed Madoobe uu ka baxsaday xabsi qarsoodi ah oo uu ku xirnaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Janan uu jebiyay dariishadda gurigii uu ku xirnaa, illaa iyo hadda lama oga halka uu ku dhuumanayo wasiirka baxsadka ah.
Sanaddii lasoo dhaafay ayay ciidamada Booliska dowladda Federaalka garoonka diyaaradaha Muqdisho ka xirtay Cabdi Rashiid Janan oo ah siyaasi ay si aad ah isugu dhowyihiin Axmed Madoobe.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil katirsan DF-ka ay ku lug lahaayeen baxsashada Cabdi Rashiid Janan waxaana larumeysanyahay in uu ku dhax dhuumanayo Muqdisho ama doon laga saaray xeebaha gobolka Banaadir.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items