Mareykanka oo helay Meydadka 2 Askari oo uga dhintay diyaaraddii Afghanistan loogasoo riday.

Wednesday January 29, 2020 - 11:16:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo helay Meydadka 2 Askari oo uga dhintay diyaaraddii Afghanistan loogasoo riday.

    Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay soo heshay Meydadka laba kamid ah ciidamadii American-ka ahaa ee ku dhintay diyaarad maalin ka hor lagusoo riday bariga wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay soo heshay Meydadka laba kamid ah ciidamadii American-ka ahaa ee ku dhintay diyaarad maalin ka hor lagusoo riday bariga wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo American ah ay gaareen goobtii diyaaraddu kusoo dhacday ee goblka Ghazni ee bariga Afghanistan, war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda G/dhigga USA ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay gaareen goobta diyaaraddu ku dhacday ayna kasoo heleen Meydadka 2 askari.

Saraakiisha booliska xukuumadda dabadhilifka Afghanistan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay American-ka ku wehliyeen tagitaanka goobta diyaaraddu ku burburtay.


Wakaaladda wararka AFP waxay sheegtay in ciidamada Mareykanka ayaa dhamaystireen burburka diyaaraddii ay Taliban soo ridday ee nuuceedu ahaa Bombardier E-11A.

Weerar dhabbagal ah oo shalay qabsaday ciidamadii Booliska xukuumadda Kabul ee isku dayaye in ay gaaraan goobta diyaaraddu ku burburtay ayaa sababay dhimashada sarkaal dagaal ooge ahaa.

Sheekh Daabixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagoodu ay gacanta ku hayaan macluumaad iyo Dukumiintiyo muhiim ah oo ay wateen saraakiisha ku dhintay diyaaradda bas beeshay.

Diyaaradda Mareykanka lagasoo riday oo nuuceedu yahay E-11A waxaa adeegsanayay sirdoonka Mareykanka waana diyaarad basaasta taleefannada iyo dhammaan isgaarsiinta Electric-ga ku shaqeysa.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items