Sawirro+Codad: Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Nin Shacab ah xilli uu beertiisa ku sugnaa.

Wednesday January 29, 2020 - 12:29:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Codad: Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Nin Shacab ah xilli uu beertiisa ku sugnaa.

    Ehellada nin shacab ah oo diyaaradaha Mareykanka ay maalin ka hor ku dileen deegaan katirsan gobolka Jubbada dhexe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabkii ay duqeyntaasi udhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ehellada nin shacab ah oo diyaaradaha Mareykanka ay maalin ka hor ku dileen deegaan katirsan gobolka Jubbada dhexe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabkii ay duqeyntaasi udhacday.


Maalintii Isniinta oo taariikhdu ku beegneed 27 janaayo 2020 ayay diyaarad o Mareykanku leeyahay waxay duqeyn ku dileen Siidi Max'med Macallim oo 20 sana jir ah xilli uu ka shaqeynayay beertiisa oo kutaal baadiyaha tuulada Hoombooy oo qiyaastii 18 KM ujirta degmada Jilib.

Max'med Macallim oo ah aabaha dhalay wiilka duqeynta lagu dilay ayaa sheegay in mar qura diyaarad Drone ah ay duqeyn ku dishay wiilkiisa xilli uu beer Sisin ku abuurtahay uu cayayaan ka buufinayay.


Sawirro lagasoo qaaday goobta duqeyntu ka dhacday ayaa muujinayay jirka ninka ladilay oo geedaha ku firiray waxaana lasoo arkay oo kaliya qeybo yar oo kamid ah jirkiisa.

Ehellada Ninka shacabka ah ee duqeynta lagu dilay ayaa si kulul ucambaareeyay xasuuqa ay dowladda Mareykanka ku hayso shacabka Soomaaliyeed, taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegtay mas'uuliyadda duqeynta waxayna ku andacoodeen in ay dileen dagaalyahan katirsan Al Shabaab!.

Halkan ka degso Goob joogayaal ehel la ahaa Ninka ladilay MP3

Hoos Ka Daawo Beertii lagu dhaxdilay Siidii.
























Related Items