Maamulka 'Galmudug' oo yeeshay madaxweyne Cusub.

Wednesday January 29, 2020 - 12:28:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Galmudug' oo yeeshay madaxweyne Cusub.

    Kadib kulan ay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku yeesheen xildhibaanno katirsan baarlamaanka maamulka 'Galmudug' ayay ku doorteen madaxweyne cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku yeesheen xildhibaanno katirsan baarlamaanka maamulka 'Galmudug' ayay ku doorteen madaxweyne cusub.


Xildhibaanada maanta doorashada sameeyay ayaa taabacsan kooxaha Suufida ee isku magacaabay Ahlusunna, guddoomiyaha baarlamaanka kooxaha Suufida ayaa warbaahinta u sheegay in ay doorteen madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

Nin lagu magacaabo Max'med Shaakir ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee 'Galmudug' , xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid cakiran waxaana baaqday doorasho berri ka dhici laheyd magaalada oo Garabka dowladda Federaalka ay madaxweyne ku dooran lahaayeen.


Maamulka isku magacaabay Galmudug ayaa leh laba madaxweyne iyo sedax Gole baarlamaan waana maamulka ugu taakta daran maamul gobolleedyada uu shisheeyuhu ka dhisay dalka Soomaaliya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items