Guddoomiyaha degmada Qoryooleey oo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

Thursday January 30, 2020 - 10:59:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha degmada Qoryooleey oo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayan iska hor'imaad xooggan oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayan iska hor'imaad xooggan oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.


Ciidamo aad uhubaysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay guddoomiyaha degmada Qoryooleey ugu magacaaban dowladda Federaalka.

Dagaal culus ayaa Al Shabaab iyo ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiyaha ku dhax maray meel ku dhow deegaanka Buufoow ee duleedka magaalada Marka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in si dirqi ah uu weerarka ugu badbaaday guddoomiyaha degmada Qoryooleey.


Meydadka 2 askari oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada u ahaa guddoomiye Sayid Cali ayaa lagu arkay goobta dagaalka, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in guddoomiyaha Qoryooleey uu xalay ku hoyday saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Buufoow.

Weerarada lagu beegsado ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ayaa si xowlli ah uga socda inta badan degmooyinka iyo deegaannada gacanta cadowga kujira ee Sh/Hoose.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items