Askari lagu dilay Ex.Control Afgooye iyo Saldhigga ciidanka Jabuuti oo weerar lakulmay.

Thursday January 30, 2020 - 12:07:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay Ex.Control Afgooye iyo Saldhigga ciidanka Jabuuti oo weerar lakulmay.

    Weeraro hubaysan oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro hubaysan oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


Weerar xalay maqribkii ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay maandooriyaha Khaatka ku cunayeen askar katirsan dowladda ayaa sababay dhaawaca sedax askari, goob joogayaal ku sugan degmada Wadajir waxay sheegeen in Bambaano lala helay goobta oo uu ku sugnaa sarkaal Boolis ah.

Weerar kale oo ka dhacay isgoyska Ex.Control Afgooye ayaa sababay dhimashada askari katirsan ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta Minishiibiyada loo yaqaan, xoogagii dilka geystay ayaa la sheegay in ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM.

Saaka aroortii hore ayay xoogaga Al Shabaab madaafiic hoobiyaal ah ku weerareen saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin dacalka galbeed ee degmada Jalaalqsi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo badankeed ku hoobatay gudaha saldhigga ciidamada Jabuuti balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items