Ciidamo huwan ah ayaa markale deegaan katirsan gobolka Jubbada dhexe dhibaato ugu geystay dad shacab ah.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Jilib ayaa sheegaya in ciidamo diyaarado watay ay habeen hore ku degeen meel qiyaastii 7 KM ujirta magaalada kadibna ay halkaas ku toogteen qof shacab ah.
Ciidamo isugu jiray American iyo Bangaraaf calooshood ushaqeystayaal ah ayaa ku degay dhul beereed dhaca duleedka magaalada Jilib, markii ay diyaaraduhu ciidamada ku dajiyeen banaanka magaalada ayay toogteen Abkoow Aadan Dhurre oo ahaa nin beeraleey 35 sana jir ah balse xilligii ladilayay ayuu ka jillaabanayay biyaha loo yaqaan Dhasheegga oo ah biyo uu fatahay wabiga Jubba.
Ciidamada huwanta ah ee dilka ugeystay qofka shacabka ah ayaa falkan geystay xilli ay baqa carar ahaayeen oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan diyaarad utiillay banaanka Jilib kadib markii dhaq dhaqaaqooda laga war helay.
Sawirro+Codad: Ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah oo qof shacab ah ku dilay duleedka Jilib.
Ciidamo huwan ah ayaa markale deegaan katirsan gobolka Jubbada dhexe dhibaato ugu geystay dad shacab ah.