Taliska AFRICOM oo qiray in ciidamadooda lagu kediyay Weerarkii Saldhigga Manda Bay Kenya.

Thursday January 30, 2020 - 22:05:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AFRICOM oo qiray in ciidamadooda lagu kediyay Weerarkii Saldhigga Manda Bay Kenya.

    Dowladda Mareykanka ayaa markale war kasoo saartay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee horraantii bishan ay xoogaga Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka uga sugnaayeen dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa markale war kasoo saartay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee horraantii bishan ay xoogaga Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka uga sugnaayeen dalka Kenya.


Taliyaha ciidamada AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend oo su'aalo lagu weydiiyay shir ay magaalada Washington ku yeesheen guddi hoosaadka golaha Senate-ka uqaabilsan arrimaha difaaca ayaa bixiyay caddeymo hor leh.

Wuxuu qiray in ciidamadooda ku sugan saldhigga Manda Bay Kenya ay awoodi waayeen ka hortagga weerarka Al Shabaab islamarkaana aysan ahayn kuwa udiyaarsanaa iska caabinta dagaalyahannadii weerarka qaaday.


"Dad badan ma ogeyn saldhigga ciidamadeena lagu weeraray ee Kenya hase yeeshee waxay dagaalyahannada Argagaxisada ah awood u yeesheen in ay soo galaan saldhigga oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah islamarkaana ay burburiyaan lix diyaaradood"ayuu  Jeneraal Stephen ka hor sheegay guddiga golaha Senate-ka.

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika wuxuu ku andacooday in markii uu dhacay Weerarkii Manda Bay kadib ay Kenya geeyeen 120 askari American ah si ay ubadbaadiyaan ciidamadii kale ee saldhigga ku sugnaa haddii weerar labaad lagusoo qaado.

Taliyaha AFRICOM oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabaabay in weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigooda Kenya uu sababay in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan saldhigyada ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika waxaana loo dhisay buu yiri derbiyo dhaadheer.

Xarakada Al Shabaab oo mas'uul ka aheyd weerarkii Manda Bay ayaa sheegtay in ay dishay 17 askari American ah halka Mareykanka uu qirtay sedax askari oo kaliya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items