Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday Mas'uul katirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Saturday February 01, 2020 - 10:18:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax lagu beegsaday Mas'uul katirsan maamulka Gobolka Banaadir.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo saaka ka dhacay deegaan weynaha Madiina ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo saaka ka dhacay deegaan weynaha Madiina ee magaalada Muqdisho.


Wararka laga helayo xaafadda Xoosh ayaa sheegaya in halkaas qarax aad u xooggan lagula beegsaday mas'uul sare oo katirsanaa maamulka gobolka Banaadir uqaabilsan dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax haleelay mid kamida gaadiid gelbinayay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Kaxda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka, Al Shabaab waxay sheegtay in ay qaraxa ku beegsatay Cabdi Naasir Xasan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Kaxda.


Dhaawac culus ayaa gaaray mas'uulka la beegsaday waxaana qaraxa ku dhigtay 2 askari oo ilaala u ahaa guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Kaxda.

Dhinaca kale qarax ka dhacay agagaarka wadada Baastada ayaa lagu burburiyay gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada AMISOM, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay ciidamada labeegsaday rasaas ku fureen wadada hareeraheeda.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items