47 sano kadib dowladda Ingiriiska oo isaga baxday Ururka Midowga Yurub.

Saturday February 01, 2020 - 09:04:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    47 sano kadib dowladda Ingiriiska oo isaga baxday Ururka Midowga Yurub.

    Shacabka wadanka Ingiriiska ayaa udabaal degaya guusha ay ka gaareen in ay ka baxaan Ururka Midowga Yurub oo 47 sanadood ay kamid ahaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka wadanka Ingiriiska ayaa udabaal degaya guusha ay ka gaareen in ay ka baxaan Ururka Midowga Yurub oo 47 sanadood ay kamid ahaayeen.


Boris Johnson oo ah R/wasaaradaha Ingiriiska oo hadlay ayaa sheegay in dalkiisu uu gaaray guul taariikhi ah kadib markii uu isaga baxay Midowga Yurub wuxuuna ku sifeeyay maalin midnimo wuxuu sheegay in tallaabadan tahay mid taariikhi ah.

Malaayiin qof British ah ayaa bilaabay in ay dhigaan dabaal degyo ay ku muujinayaan farxadooda ku aaddan ka bixitaanka Midowga Yurub.

Dowladda Ingiriiska oo sanadadii dambe khilaaf kala dhaxeeyay Ururka midowga Yurub ayaa hadda umuuqata in ay ka gudubtay ismariwaagii siyaasadeed ee ku saabsanaa ka bixitaanka Ururkaas balse waxaa uharsan xal uhelidda heshiisyo murun badan dhaliyay oo ku aaddan qaabka ay ula tacaamuli doonto.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items