Macallimiintii Kenyaatiga ee wax ka dhigayay Iskuullada Gaarisa oo barakac sameeyay.

Saturday February 01, 2020 - 12:43:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallimiintii Kenyaatiga ee wax ka dhigayay Iskuullada Gaarisa oo barakac sameeyay.

    Kadib weeraro isdaba joog ah oo Xoogaga Al Shabaab ay bilihii lasooa dhaafay ka fulinayeen deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayay xirmeen dhammaan iskuulladii gacanta dowladda kujiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib weeraro isdaba joog ah oo Xoogaga Al Shabaab ay bilihii lasooa dhaafay ka fulinayeen deegaanno katirsan dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayay xirmeen dhammaan iskuulladii gacanta dowladda kujiray.


Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in ay carareen macallimiintii Kenyaatiga ahaa ee waxka dhigi jiray iskuullada Gaarisa kadib markii qaar badan laga dilay qaarna laga dhaawacay.

Maamulka dowladda Kenya uqaabilsan Gaarisa ayaa xaqiijiyay in Iskuullada hoose,dhexe iyo kuwa sare ay xirmeen kadib markii macallimiintii Kirishtaanka Kenyaatiga ahaa ay u carareen dhanka Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa ku gacan sayrtay codsi uga yimid odayaasha deegaanka oo ahaa in macallimiinta Kenyaanka ah ay ku bedesho kuwa Soomaali maxalli ah taas oo muujinaysa in dowladda Kenya ay cadow ku tahay shacabka Soomaaliya islamarkaana ay shaqo abuur usameynayso dadka Kenyaanka dhaladka ah.


Al Shabaab ayaa horay usheegtay in ay beegsanayso dhammaan dadka Kenyaanka aslalka ah ee lagu deegaameeyay dhulka NFD iyo gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu, weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay duleedka Gaarisa ayaa lagu dilay laba kamid ah Macallimiinta dowladda Kenya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items